Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar u bilaabay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, guddiga ayaa tababarro la mid ah ka wada Degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu diyaarinayo shaqaale doorasho oo ka qeyb qaata hirgelinta habsami u socodka doorashooyinka.

Tababarradan ayaa waxaa howl-wadeennada ka shaqeynayo doorashooyinka lagu barayaa:-

Sida loo diiwaangeliyo codbixiyeyaasha,Maareynta goobaha codbixinta,Habka tirinta cododka iyo
Ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyay in dhawaan ay doorashooyin isku sidkan ka bilaaban doonaan deegaanada dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r