Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ka daah-furay tababar loogu talagalay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo in ay ka qabsoomaan degmadaasi.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta aqoonta iyo xirfadaha howl-wadeennada, iyadoo la barayo habraacyada muhiimka ah ee doorashooyinka, sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maareynta goobaha codbixinta, habka tirinta codadka iyo ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u shaaciyay in dhawaan ay si isku xiran uga bilaaban doonaan doorashooyin ka dhaca dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r