Press "Enter" to skip to content

Go'aanno laga soo saaray xallinta colaad beeleedyada Mudug

Gaalkacyo — Kulan u socday wasiirro ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo waxaana laga soo saaray go’aanno lagu xallinayo colaad beeleed khasaare gaysatay oo ka aloosan galbeedka gobolka Mudug.

Wasiiradda ayaa go’aannada ay soo saareen sidoo kale ku sheegay in guddiyada nabadda ee ka soo jeeda beelaha dagaalku dhexmaray, iyo guddiga farsamaduba ay labada maamul kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in colaaddu ay soo laabato.

Haddaba, waxyaabaha lagu heshiiyay ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan khadka telefoonka ee magaalada Gaalkacyo ku wareystay Wasiirka Madaxtooyada ee Galmudug Maxamed Faarax Talyaani.

 

Comments are closed.