Press "Enter" to skip to content

Ganacstada Soomaalida ee Kenya oo ka Hadlay Maalgashiga Mashruuca Muqdishada Cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan Muqdisho kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed oo isaga kala yimid dalal kala duwan ayaa u soo bandhigay maalgashiga hindasha loogu magacdaray Muqdishada Cusub.

Hindisahan oo haddii u dhaqan galo abuuraya magaalo cusub oo dhameystiran oo Muqdisho laga sameeyo ayaa madaxweynaha waxa uu ganacsatadan kala hadlay maalgashiga hindisahan.

Haddaba Caasha Ibraahim Aaden ayaa khadka taleefanka ee Nairobi kula hadashay Cumar Ibraahim Xuseen oo ah xoghayaha guud ee gacansatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ka mid ah ahaa ganacsatadii ka qaybgashay kulankii ganacsatada iyo madaxweynaha, waxayna ugu horreyn weydiisay inuu faah faahin ka bixyo kulankii ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya.

 

Comments are closed.