Press "Enter" to skip to content

FAAHFAAHINTA KHASAARAHA KA DHASHAY DAGAALKII XALAY KA DHACAY DULEEDKA GAROOWE

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa ku dhintay ilaa sagaal kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhexmaray ciidanka dowladda oo Garoowe ka qaaday sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in la joojiyo doorashooyinka.

Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana gaaray goobihii loogu tala-galay sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe kaas oo ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni.

Xigasho: PUNTLAND POST

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *