Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtah, kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga gobolka, waxbarashada, iyo iskaashiga dhanka istaraatiijiga ah, taas oo ka tarjumaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal.




Be First to Comment