Press "Enter" to skip to content

Ciidanka XDS oo Howlgallo ka Dhan ah Khawaarijta ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaannada Jabaad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, iyadoo ujeeddadiisu ahayd adkeynta amniga iyo ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta ee ka jira deegaannadaasi.
Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga shacabka iyo deegaannada laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xoojiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta iyo kooxaha carqaladeeya nabadda iyo xasilloonida dalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r