Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Gorgor oo kaalmo ka qaybiyey Baay

Baydhabo (SONNA): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ayaa gargaar u fidiyay shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kadib dhibaatooyin isugu jira abaaro, cunno yari iyo xaalado amni oo saameeyay nolosha dadka deegaanka.

Goobaha ay Ciidamada gurmadkaan gaarsiiyeen waxaa kamid ah Mad-dhoos, Gomarey iyo tuuooyin kale oo ka tirsan gobolka Baay.

Gurmadkaan ayaa isugu jiray raashinka noocyadiisa kala duwan, biyo-dhaamin loo sameeyay shacabka, iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, si loo yareeyo dhibaatada haysata dadka deegaanka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r