Press "Enter" to skip to content

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyey goobo kala duwan.

Hadaba, Dadweynaha Soomaaliyeed ee dagan Degnada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.

Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka.

Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan talaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah.

Muwaadin haddii aad aragto goob lagu qarinayo Hub sharcidarro ah fadlan gaarsii hay’adaha Amniga adiga oo wacaya 991ama 199.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r