Press "Enter" to skip to content

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

MMuqdiso(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa isku dayga weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya waxay weerarradan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeyneysaa in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada is-xakameyn, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r