Press "Enter" to skip to content

Axmed Al Sharcaa oo Ankara kula kulmay Erdogan

Ankara — Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda KMG ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharcaa, ayaa Talaadadii magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka amniga iyo sidii looga jawaabi lahaa dagaalyahannada Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyi-bari Suuriya.

Al-Sharcaa wuxuu ka soo duulay Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka raadinayay maalgelin uu ka doonayo xukuumadda Riyadh, si uu dib ugu dhiso Suuriya kaddib dagaalka sokeeye ee billowday 13 sano ka hor, kuna soo dhammaaday eryiddii Bashaar Al-Asad iyo dowladdiisii dhammaadkii sannadkii hore.

Erdogan, kaddib kulankiisa Al-Sharcaa, ayaa yiri: "Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo sida aan ugu qanacsanahay ballanqaadka xooggan ee walaalkey Axmed Al-Sharcaa uu muujiyay ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada."

Al-Sharcaa, oo ah hoggaamiyaha Xayat Tahrir al-Sham—koox ay saraakiisha Mareykanka muddo dheer u aqoonsanaayeen argagixiso—ayaa bishii December hoggaamiyay olole uu maamulka Dimishiq kaga xayuubiyay madaxweynihii hore Bashaar Al-Asad.

Arrintaas ayaa soo afjartay duullaankii uu Ruushka ku tegayay, islamarkaana meesha ka saartay xukunkii dulmiga ahaa ee Bashaar iyo aabihiis Haafid oo talada hayay in ka badan nus qarni.

Turkigu waxa uu xulafo adag la ahaa xoogagga doonayay inay xukunka ka tuuraan Asad, oo ay ka mid yihiin Al-Sharcaa iyo Xayat Tahrir al-Sham.

Comments are closed.