Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan kula qaatay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, xubno ka socday bulshada rayidka, saraakiisha amniga iyo masuuliyiinta maamulka degmada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada.

Agaasimaha NISA ayaa kulanka ka sheegay in amnigu yahay mudnaanta koowaad ee dalka, isla markaana loo baahan yahay in bulshada ay garab buuxa siiso ciidamada ammaanka, si looga hortago khataraha Khawaarijta iyo falalka amni darrada ah.

Dhankooda, qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee sugidda amniga, iyaga oo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan nabadgelyada, wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo dowlad-dhiska.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r