Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan.
Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen.
Waxa uu la hadlay wariyaha VOA, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.

Cudur aan la aqoon oo dad ku dilay Karkaar, Puntland
More from GudahaMore posts in Gudaha »
- Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
- Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
- Duqa muqdisho oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday saldhigga booliska ee degmada Warta Nabadda
- Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay
- Madaxwyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay dhaxal sugaha Kuwait


Comments are closed.