Madaxweyne Ku- xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka horumarinta Garsoorka Puntland .
Kulanka ayaa warbixino faahfaahsan looga dhegaystay Maxkamadda sare, Wasaaradaha Caddaaladda, Amniga, iyo Talisyada Ciidamada Booliiska iyo Asluubta, waxaa si weyn looga hadlay nidaamka Cadaaladda iyo hufnaanta garsoorka iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ugu danbayntii bahda Garsoorka ku adkeeyay in ay xil iska saaraan masuuliyadaha loo igmaday, si hufan na ugu adeegaan bulshada.






Be First to Comment