Xidlhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maalinimada Arbacada ah 25-ta Febraayo 2026 yeelanaya fadhi ay kaga doodayaan waxka beddelka cutubyo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.
Qoraal ka soo baxay guddoonka labada aqal loona gudbiyey xildhibaanada oo ay dibad-joog ka yihiin xubnaha mucaaradka ayaa loogu yeeray inay soo xaadiraan kulankaan muhiimka u ah qorshaha golaha.

Guddoonka labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa fadhiyada barlamaanka ka mamnoocay xildhibaanada mucaaradka ee ka soo horjeeda anjadayaasha waxka-bedelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.
Xigasho: Horseed Media





Be First to Comment