Press "Enter" to skip to content

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo  gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.
Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xiriira xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadista xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta dhanka booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kulammo miro dhal ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r