Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarin ay bixisay Hey’adda WHO Europe ,taas oo la xiriirtay dadaalka uu ku bixiyay dadaallada bani’aadanimo ee lagu badbaadinaayey dadka reer Falastiiniyiin.
Abaalmarintaan waxaa guddoonsiiyay Mr.Erdogan Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka ee qaabilsan Yurub Hans Kluge ,xilli lagu jiray Shirweynihii 11-aad ee Caafimaadka oo ka dhacay Ankara.
Madaxweynaha ayaa Sidoo kale abaalmarintaasi ku helay doorka uu ka qaatay fududeynta daadgureynta dad rer Gaza ee u baahnaa gurmad caafimaad.
Munaasabadda abaalmarintaasi waxaa ka hadlay Madaxweyne Erdogan ,isagoo dalalka caalamka ku dhaleeceeyay aamusnaanta bulshada dunida ee ku aadan burburka loo geysanaayo isbitaallada , dilka shaqaalaha caafimaadka iyo xasuuqa lagula kacay ddka rayidka ah ee u badan hooyada iyo dhallaanka,gaar ahaan labadii sano ee u dambeysay.



Be First to Comment