Kampala-(SONNA)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee labada dal iyo shucuubtooda..
Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la garab taagan tahay walaalahood reer Suudaan, xilli dalkooda uu wajahayo xaalad adag.
Dhankiisa, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa tilmaamay in Suudaan ay tahay dal walaal ah oo abaal weyn ku leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer.

o
More from WararkaMore posts in Wararka »
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani
- Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol
- Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed
- Wasiir Roobow oo la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudiga
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Wakiilka Cusub UNFPA ee Soomaaliya


Be First to Comment