Press "Enter" to skip to content

Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya

Aljeris-(SONNA)-Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa u diyaar garoobaya inuu la ciyaaro xulka Qaranka Aljeeriya maalinta Khamiista oo ku beegan 9-ka Oktoobar 2025, iyagoo isku arki doona garoonka Miloud Hadefi ee magaalada Wahran, taas oo qayb ka ah wareegga hore ee isu imaadka Koobka Adduunka 2026 ee Qaaradda Afrika.

Ciyaartan ayaa imaneysa iyadoo xulka Aljeeriya uu hoggaaminayo Kooxda 9-aad, isagoo leh 19 dhibcood, waxaana ku xiga Ugaanda iyo Mozambique oo leh 15 dhibcood midkiiba.

Xulka Soomaaliya ayaa dhankiisa doonaya inuu soo bandhigo ciyaar heerkeedu sarreeyo oo muujinaysa horumarka ciyaaryahannada dalka, inkasta oo ay adag tahay kooxda ay la ciyaarayaan.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa booqasho saaxiibtinimo ku tagay xulka Qaranka Soomaaliya, kaas oo haatan ku sugan Aljeeriya, isagoo u diyaargaroobaya kulankaas muhiimka ah.

Intii uu socday kulanka, Danjiruhu waxa uu la hadlay ciyaartoyda iyo maamulka xulka, isaga oo ku dhiirri geliyay in ay muujiyaan midnimo, wadaniyad iyo dadaal sare, si ay u gaaraan natiijo sharaf u ah shacabka Soomaaliyeed, una muujiyaan sawirka cusub ee Soomaaliya ee ciyaaraha caalamiga ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r