Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiddig Ramla Cali guddoonsiiyey Shahaado Sharaf

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r