Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Dekedaha XFS oo kulan la qaatay wasiirka warshadaha Turkiga

Istanbul(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyada ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Mehmet Fatih Kacir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qabanqaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo tiknoolajiyada casriga ah. Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r