Muqdisho (SONNA): Madaxda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Baaqa ayaa yimid iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Aqoonsiga Adduunka, taas oo fursad u ah kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiimadda kaarka aqoonsiga.
NIRA waxay shacabka Soomaaliyeed ku boorrisay inay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’iideystaan is-diiwaangelinta lacag la’aanta ah ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo socon doonta muddo kooban.
Hay’addu waxay xustay in kaarka aqoonsiga qaranku yahay mid muhiim u ah helitaanka adeegyada dowladda, iyo horumarinta nidaamka maamulka dalka.
Sidoo kale, NIRA waxay ku adkaysay bulshada in is-diiwaangelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadin kasta, isla markaana lagu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Be First to Comment