Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa, Justin Davis, iyo Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Matthew Younger. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqada Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r