Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, isaga oo ku biiraya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka oo ka qaybgali doona Shirwaynaha Dalalka Islaamka iyo Carabta.
Madaxwayanha ayaa inta uu Shirku socdo waxaa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.
Be First to Comment