Press "Enter" to skip to content

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Vienna-Switzerland-(SONNA)-Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA), Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda Atoomikada IAEA, Rafael Mariano Grossi oo ka guddoomay.

Munaasabad lagu qabtay xarunta hay’adda ee Vienna ayaa lagu xusay xiriirka xooggan ee Soomaaliya ay la leedahay hay’ada Qaramada u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka, Amb. Khadra Axmed Ducaale, ayaa hay’adda uga warbixisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xiriir dhow la yeelato hay’adda Atoomikada Adduunka, gaar ahaan qeybaha Nukliyeerka ee loo adeegsado tamarta, beeraha iyo caafimaadka.

Hay’adda IAEA waxay ka caawisaa dalalka xubnaha ka ah hannaanka ay u adeegsadaan tiknoolojiyada casri ah oo lagu ilaaliyo deegaanka, laguna qiimeeyo saamaynta isbeddelka cimillada.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA) Mr. Rafael Mariano Grossi ayaa soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay uga jirto hay’adda, isagoo u xaqiijiyay in IAEA ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii ay uga faa’ideysan laheyd tiknolojiyada Nukliyeerka, si loo helo horumar waara.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r