Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israel ka geysatay Qatar

Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday guryo shacabka ah, taas oo loo arko ku xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in weerarradan ay khatar weyn ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay ka hor imaanayaan dhammaan mabaadi’da iyo heshiisyada caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaado tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo falalka gardarrada ah, laguna ilaaliyo shacabka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, ayna si buuxda u diidan tahay dhammaan noocyada xadgudubka iyo gardarrada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r