Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la yeeshay Madaxa UN Women ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa UN Women ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo UN Women ee hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (2025–2029).

Labada dhinac waxay isku raaceen in barnaamijyada UN Women la waafajiyo qorshaha qaranka, la xoojiyo wada-shaqeynta kormeerka iyo qiimeynta (M&E), isla markaana Wasaaradda Qorsheynta iyo UN Women ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ururinta iyo la-falgalka xogaha ku saabsan haweenka, si loo hubiyo oo loo cabbiro horumarka dumarka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r