Press "Enter" to skip to content

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray wejiga labaad ee dhismaha waddada Daarusalaam

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha waddada Daarusalaam, wejiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Daarusalaam iyo qayb ka mid ah bulshada deegaanka ayuu Guddoomiyaha Gobolka xarigga uga jaray dhismaha waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo 4km.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxuloow, oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir munaasbada ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka dadaalka horumarineed ee ka socda degmada, isagoo xusay in waddadani ay muhiim u tahay isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay mashaariicda noocan ah in ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Munaasabadda xarigga jarka ayaa astaan u noqotay dadaallada maamulka gobolka uu ku doonayo in uu ku xoojiyo horumarinta iyo isku xirka xaafadaha cusub ee magaalada Muqdisho.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r