Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID.

Goobaha uu sida gaarka ah Taliyuhu kormeerka ugu sameeyey waxaa kamid ah Xarunta Caafimaad ee Maxaabiista loogu adeego iyo Goobta sida gaarka ah loogu hayo Maxaabiista dambi baarista lagu sameynayo.

Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay Hogaanka iyo Howlwadeenada CID ayaa kula dardaarmay in kiisaska baarista ee loo keeno iyo kuwa ay gacanta ku hayaanba u cadaalad sameeyaan kana fogaadaan waxkasta oo dib u dhac ku keeni kara adeegga ay Bulshada u hayaan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r