Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Munaasabadda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY MUNAASABADDA FURITAANKA SANNAD DUGASIYEEDKA 2026

Muqdisho, Sebteembar 6, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta howl-wadeenada imtixaanka qaranka 2024–2025, xiritaanka tababarka macallimiinta qaranka iyo bilowga sannad-dugsiyedka 2025/2026.

Munaasabaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo xiray tababar ay ka faa’iideysteen 300 macallin oo laga soo xulay gobollada dalka, kuwaas oo lagu xoojiyey xirfadaha waxbarid iyo hababka casriga ah ee wax lagu baro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta waxbarashada, dhiirrigelinta macallimiinta, maaraynta Imtixaankii Qaran ee sannadkan iyo hubinta in carruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh oo mideysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Guddiga Tacliinta Sare inay xoogga saaraan hubinta tayada waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo horumarinta cilmi-baarista, waxa uuna xusay in horumarinta dalka ay aasaas y tahay tayada aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r