Press "Enter" to skip to content

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin

Dublin(SONNA):-Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Caddow, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 16-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Kormeerka Caafimaadka (IAMRA) oo ka dhacay magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland.

Shirkan oo uu martigaliyay Golaha Caafimaadka Ireland ayaa diiradda lagu saaray isweydaarsiga waaya-aragnimada caalamiga ah ee maamulka mihnadlayaasha caafimaadka, tayeynta nidaamyada caafimaadka, iyo kor-u-qaadista kalsoonida bulshada ee adeegyada caafimaadka.

Ka qeyb galka shirkan waxay Soomaaliya u tahay fursad uu dalkeennu uga qeybqaato dadaallada iyo wadahadallada caalamiga ah ee looga arrinsanayo hagaajinta nidaamyada caafimaadka dunida, waxna uga barto khibradaha dalalka horumaray, waxayna gacan ka geysan doontaa xoojinta caafimaadka dalka iyo dhisidda nidaam caafimaad oo tayo sare leh, lana jaanqaadaya caalamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r