Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Baxreyn

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Mudane Dr. Shaikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa, intii lagu guda jiray Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

 

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dedaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

 

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r