Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Dekedaha oo ka qaybgalay shirka sancada gaadiidka Badda oo ka furmay Sucuudiga

Jidah (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka furmay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa ah madal muhiim ah oo Soomaaliya uga faa’iideysaneyso xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhexeysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa kulankan uga faa’iideystay in uu ka qaybgalayaasha la wadaago muhiimadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ku leedahay gaadiidka badda, iyo sida horumarinta iyo casriyeynta dekedaha dalka ay gacan uga geysan karto fududeynta ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha.

Shirweynahan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta sancada gaadiidka badda ee waara, maamulka iyo casriyeynta dekedaha, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon uga qayb qaadaneyso doodaha iyo go’aannada lagu xoojinayo iskaashiga marin-biyoodka caalamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r