Press "Enter" to skip to content

Wasiirka ganacsiga oo gaaray Aljeeriya

Aljeris (SONNA): Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha XFS mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa gaaray dalka Aljeeriya.

Wafdigaan waxaa si diiran ugu dhaweeyay Caasimada dalkaas dhigiisa Dalka Aljeeriya Wasiirka ganacsiga dibadda iyo Dhiirigelinta Dhoofinta, Professor Kamaal Rezeeq Iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yuusuf Jeego).

Wasiir geeosood ayaa ka qaybgalaya Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo Soomaaliya u ah fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda, laguna dhiirrigelinayo dhoofinta iyo kobcinta ganacsiga gudaha iyo dibaddaba.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r