Press "Enter" to skip to content

Laamaha ammaanka oo gubay Daroogo gaaraysa 250 kartoon

Muqdisho-(SONNA)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in maanta fagaare lagu gubay 250 kartoon oo Daroogo ah.

Daroogadan oo ay hey’adaha ammaanka qabteen iyadoo Dekedda iyo Garoonka laga soo gelinayo dalka ayaa waxaa in la gubo xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Cabdirashiid Ismaaciil Nuur, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna Madaxa Waaxda la-dagaallanka Maandooriyaha iyo Daawooyinka Khataraha ah, ayaa sheegay in gubidda daroogadan loo maray habraacii sharciga ahaa.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r