Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay agaasimaha hay’adda sirdoonka Suudaan

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS nudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Suudaan, G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufadal, oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Korneyl Mufaddal ayaa Maxaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya soo gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Guddoomiyaha Golaha kumeel gaarka ah ee dalka Suudaan, Cabdifitaax Al-Burhan, kaas oo ku saabsanaa dib u xaqiijinta sida ay Sudan uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r