Press "Enter" to skip to content

Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka xoogga dalka (CXD) ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada Macallinka, Baladul Amiin, Cumar Beere iyo Balow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay goobihii ay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ugu tala galeen inay ku dhuumaaleystaan , waxayna ciidanku ku guulaysteen in ay ka saareen waddooyinka miinooyinki ay argagixisadu ku aastay si ay ugu waxyeeleeyaan dadka shacabka ah.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa geesinnimada Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka si wadajir looga guuleysto cadowga argagixisada loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r