Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Taliska 21 ee Ciidanka xoogga

Dhuusamareeb(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha D-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad, Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay in ay labanlaabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isaga oo ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska Garoonka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r