Press "Enter" to skip to content

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa boogaadiyay guulaha ciidamada qaranka ay todobaadyadaan ka soo hooyeen dagaalada ka dhanka ah khawaarijta,isagoo sheegay in ay socdaan howlgallo la doonayo in lagu qaado maleeshiyaadka khawaarijta ee diidan nabad lagu soo dabballo dalka.

“Si dadka Soomaaliyeed loogu celiyo deegaanada ama goobinii ay ka soo barakaceen waa in dowladda garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto khawaarijta” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha mudane Xirsi Gaani waxa uu xusay abaabulka dagaal ee xilligaan ka bilowday gudaha dalka,gaar ahaan gobolada Sh/Hoose,Sh/Dhexe iyo Hiiraan,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo kahortagga khawaarijta iyo sidii looga ciribtiri lahaa dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r