Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee Bangiga Aduunka oo kaashanaya baanka horumarinta dalka Jarmalka ku abaalmariyo Milaayiin dollar kadib markii ay si wanaagsan u maamushay mashruuca Baraaqo.
Shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu go’aamiyey in adduun lacageed oo gaaraya $19.2 Milyan lagu abaalmariyo hay’adaha ka faa’iidaystay mashruuca barwaaqo oo horay loo oran jirey Biyoole.
Saraakiil katirsan bankiga adduunka ayaa xaqiijiyey in Puntland ay noqotay maamulkii ugu horreeyey ee mashruucaan uga faa’iidaystay sida ugu haboon guud ahaan DFS iyo dowlad goboleedyada dalka.
Mashruucaan ayaa in ka badan labo sano ka socdey maamul goboleedyada dalka, halka Puntland loo fasaxay bilihii la soo dhaafay kadib khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya madaxda ugu sarraysa dowladda Somalia.
Xigasho: Horseedmedia



Be First to Comment