Press "Enter" to skip to content

Wiil dhallinyaro ah oo hal-abuur ganacsi ka hirgeliyay Amsterdam

Amsterdam — Tobonaan kun oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Netherlands oo ka mid ah dalalka Yurub ee ay muhaajiriintu magangalyada ka helaan.

Soomaalidaasi ayaa isugu jira kuwa dalkaasi ku soo galay qaab magangalya doon ah iyo kuwa ay qoysaskoodu u dacwoodeen. In badan oo ka mid ah dhalinyarada ayaa halkaasi ka sameystay hal-abuurro ganacsi.

Waxaa dhalintaasi ka mid ah Ceydaruus Jeylaani Muxyaddiin, oo sannadki 2015-ki magaalada Amesterdam ka furay meherad ganacis isaga oo xilligaasi ahaa 19 jir.

Ceydarus, ayaa hadda agab u badan qalab elektaroonik ah u dira dalal ku yaalla Qaaradda Africa. Waxaa Amesterdam ku wareystay, wariyaha VOA-da Maxamed Bashir Cabdiraxman oo maalmahan howlo shaqo u jooga dalal ku yaalla Yurub.

Comments are closed.