Press "Enter" to skip to content

Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan oo lagu dilay Cabudwaaq

Cabudwaaq — Wararka ka imaanaya magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in halkaas lagu dilay wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo la shqeynayay Telefishinka iyo Radiyaha Dowladda Federalka Soomaaliya

Weriye Cabdikariin ayaa ku dhintay toogasho uu xalay u gaystay nin ilaalo ka ahaa xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo uu wax ka maamuli jiray.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo ka soo diray. Cabdiwaxid Macallin Isxaaq.

 

Comments are closed.