Press "Enter" to skip to content

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo amniga.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r