Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shirguddoomiyay kulanka 26-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhexgalka adeegyada muhiimka u ah bulshada deegaanka ku teedaan xuduuda iyo dhul-xeebeedyada dalalka geeska, iyada oo la xoojinayo mashaariicda maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii kulan ka jeediyay khudbad koobaan ayaa tilmaamay ahmiyadda ay lee dahay in ay si gaar ah isku kaashadaan dalalka geeska, iyada oo la tixgalinayo qorsheyaasha u baahan maalgalinta.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r