Press "Enter" to skip to content

Wareysi: Xabbad-joojinta colaadda Shabeellaha Dhexe

Ergo nabadoonno ah oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno heer gobol ayaa ku guuleystay inay xabbad-joojin kala dhex dhigaan labo beel oo maalimihii ugu dambeeyey ku dagaallamayey degaanno hoos yimaada degmooyinka Raage-ceelle iyo Cadalle, kuwaas oo uu dagaalkoodu geystay khasaare isugu jira dhimasho dhawaac iyo bur bur hantiyeed.

Haddaba qaabka xabbad joojintaasi loogu guuleystay iyo sida xaaladdu iminka tahay ayuu wariyaheena Muqdisho Xasan Kaafi Qosyte ka wareystay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle oo ka mid ah waxagaradka ku baxay xalinta colaado halkaasi ka oogan.

 

Comments are closed.