Press "Enter" to skip to content

Wareysi: Shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan Galmudug

Weerarka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dawladdu wadaan guluf ka dhan ah ururka al-Shabaab, kaasi oo diiraddiisu tahay maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku sugan maamul goboleedka Galmudug.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in shalay ay ciidamadu qabsadeen magaalada Wabxo iyo degaanka War Xoolo oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Goor dhowaydna warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa tebisay in ciidamada dawladdu ay qabsadeen degaanka Cawsweyne oo ku yaalla dhinaca bari ee gobolka Galgduud. Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Adan Gabobe ayaa weriyahayaga Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq uga warramay hawlgalladii milatari ee ugu dabeeyey?

 

Comments are closed.