Press "Enter" to skip to content

Wareysi: Maalinta haweenka iyo haweenka Somaliland

Hargeysa — Maalinta berri oo ku beegan 8-da bisha March waxa dunida oo dhan looga dabaal degayaa maalinta haweenka adduunka, waana xus sanadle ah oo sanad walba lagu eego xuquuqda haweenka, caqabada horyaalla haweenka iyo wax yaaba u suurto galay ama ay hiigsanayaan.

 

Haweenka Somaliland ayaa la sheegay in ay aad ugu badan yihiin shaqooyinka hoose, balse aanay aad uga dhex muuqan goleyaasha siyaasadda iyo shaqooyinka sare ee maamulka hay’adaha dawladda iyo kuwa madaxa banaan ama gaarka loo leeyahay.

 

Sahra Ciidle Nuur, ayaa dhawaan la kulantay agaasimaha fulinta ee dalladda ururada haweenka ee Nagaad, oo ah ta ugu wayn haweenka isla markaana soo jirtay ku dhawaad 30 sanadood, waxaanay ugu horayn waydiisay waxa uu dabaal degga sanadkani kaga duwan yahay sanadihii hore.

 

Comments are closed.