Press "Enter" to skip to content

Wareysi: Caqabadaha ay wajahaan ganacsatada xoolaha Soomaaliya

Nairobi — Xoolaha nool ayaa wali ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Soomaaliya.

 

Soomaaliya ayaa sannad walbaa boqollaal kun oo xoolo ah u dhoofisa dibadda, sidaasi oo ay tahay khubarrada xoolaha ayaa sheegaya in aysan jirin daryeel qaran oo ay xoolaha Soomaaliya helaan xilligaan, marka laga reebo dadaalka ay bixiyaan xoola-dhaqatada iyo ganacsatada ka bayac-mushtara.

 

Soomaaliya ayaa waxaa horay uga jiray xarunta Daaqa Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha. Sida lagu billaabay iyo waxyaabihi ay qaban jirtay, ayuu wariyaha VOA-da ee Nairobi, Yaasiin Ciise uu ka wareystay Dr. Cabdullaahi Axmed Karraani oo horay u soo noqday maareeyahay Wakaaladda Daaqa Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha.

 

Comments are closed.