Press "Enter" to skip to content

Wafdi ka socda Soomaaliya oo la kulmay afhayeenka baarlamanka Canada

Ottawa — Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan dalkan Canada ayaa magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada kulamo kula qaatay jaaliyadda Soomaalida iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamanka ee dalkaasi Canada.

Wafdiga waxaa ka mid ah agaasimaha keydka qoraallada ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Aamina-Keyf Axmed Samatar, Dr Mahad Cabdullaahi, la-taliyaha wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya ee arrimaha caafimaadka, wasiirka qorsheynta dowlad-gobleedka Galmudug Axmed Cali Maxamed (Cantoobo) iyo Yaasiin Maxamed Cibaar oo ah madaxa ururka bankiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji oo wareystay wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faarax, ayaa ugu horreyn waydiiyay kulamada iyo waxa ay ku saabsanaayeen.

Daawo qaar ka mid ah sawirrada xubnaha wafdiga, jaaliyadda iyo madaxda Canada ee ay la kulmeen.

 

Comments are closed.