Press "Enter" to skip to content

Taliyaha NISA ee Gedo oo ka hadlay qarax khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Doolow

Inta u dhaxeysa Dooloow iyo Balad Xaawo waxaa ka dhacay qarax nooca dhulka lagu aaso ah waxaana ay ku qaraxday gaari ay wateen dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku dhintay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, sida uu VOA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Nabadsugidfa ee gobolka Gedo.

Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa qadka taleefanka kula xariiray Taliyaha NISA ee Gedo Jeneraal Jamaal Xasan Sareey, waxaana uu faafaahiyay sida ay wax u dhaceen.

 

Comments are closed.